|
Kusoo dhawaaw walaal Shabakada Raadraac.tk gacmo furan, Qalbi furan, iyo Niyad Saafi ah. |
|
Waxaa laga wariyay Rasuulka inuu yiri: "Ruuxii akhrista ayatul kursiga salaadaha kadib kama xigto gelida janada dhimasho mooyaane" sidoo kale hadii aad akhrisato markaad seexaneyso aayatul kursiga Alle swt ayaa ku xifdinayo kuuna soo dhawaan maayo Sheydaan ilaa aad ka waabariisato....
Abii Hureyra A.K.R waxuu yiri; waxaan maqlay Rasuulka ALLE N.N.K.H asagoo dhahaya: ((Bal kawarama hadii uu webi uu kuyaalo irida midkiina oo ka meeranaya Maalin walba shan jeer miyaa ku haraya Wax wasaq ah (*Jirkiisa) )) waxey yiraahdeen "Maya kuma harayo wax wasaq ah" markaas buu yiri Rasuulka CSW ((Sidaas oo kale ayeey yihiin salaadaha shanta ah Alle waxuu ku tir tiraa Gafefka) Rawahu Alsheikhan...
Nebiga CSW xadiiska uu imaamul muslim tilmaamayo waxuu ku tilmaamay. Nebiga wuxuu yiri N N K H; Diinar aad jihaad ku bixiso iyo diinar qof adoon ah ku xureyso iyo diinar qof miskiin ah ku sadaqadeysato iyo diinaar aad reerkada siiso waxaa ugu ajir badan ayuu yiri Nebiga CSW kan aad reerkada siiso. Saxiix Al Muslim..
Ibnu Cabaas isaga iyo aabihiis Alle Haka raali noqdee wuxuu yiri; Nebiga CSW wuxuu yiri; "Waxaa la itusay Naarta dadka ugu badan Dumarka, Maxaa yeelay Samafalkey xumeeyaan, Waxaa la yiri Ma Allaah ayeey Abaal Xumeeyaan (Caasiyaan) Wuxuu yiri Ninkooda ayeey abaal xumeeyaan, Samafalkana wey xumeeyaan oo hadaad midood usama fasho Weligaa, Kadibna ay kaa aragto waxeynan dooneynin Waxey dhihi weligeyba Kheyr kaama arag." Saxiix Albukhari... |
|